Muqdisho (Dawan ) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyay Dowladda Federaalka kaddib markii magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ay dib ula wareegeen dagaallamayaasha Al-Shabaab, taas oo ay ku tilmaameen fashil amni oo weyn oo qaran.
War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay maanta soo saareen, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay sida ay dowladda u maareyneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda, iyagoo ka digay luminta dhul horey loo xoreeyay iyo in kalsoonidii shacabka ay si weyn u daciifayso.
Shariif, ayaa sheegay in dib u qabsashada Maxaas — oo ahayd magaalo lagala wareegay Al-Shabaab in ka badan 12 sano ka hor — ay muujinayso “fashil mas’uuliyadeed oo culus oo ka yimid dowladda federaalka.”
“Waa nasiib darro weyn in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabaneyso deegaanno muddo dheer xor ahaa. Arrintan waxa ay ka dhalatay dayacaad amni oo halis ah. Dowladda federaalka waa inay mas’uuliyadda qaaddaa,” ayuu yiri Shariif.
Wuxuu amaanay geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamda deegaanka ee Macawiisley, isagoo tacsi u diray qoysaska askartii iyo dadkii ku dhintay difaaca Maxaas. “Geeddisocodkooda iyo wadaniyadooda waxay mudan yihiin qaddarin qaran. Waxaan u rajeynayaa dhaawacyada caafimaad degdeg ah,” ayuu yiri.
Dhankiisa, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa isna sheegay in qabshasahad Maxaas ay daba socdotay luminta Moqokori iyo Aadan Yabaal ayna tahay “ceeb qaran” iyo khiyaano lagu sameeyay halgankii shacabka deegaanka.






