Nairobi (Dawan)- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbaheysi ay ku midoobeen mucaaradka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay inay aqbaleen martiqaad uga yimid Dowladda Federaalka si ay uga qeyb galaan shirka wadatashiga qaran ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ku taarikeysan 24-k Janaayo 2026, ayuu Goluhu ku sheegay in go’aankan ay u qaateen “mas’uuliyad weyn”, maadaama dalku marayo marxalad xasaasi ah oo ay isugu jiraan caqabado dhinaca amniga, midnimada dhuleed, iyo muddo xileedka hay’adaha dowladda oo soo dhamaaday.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asaga oo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeena horyaalla, wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortago firaaq dastuuri ah, loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka.” Ayuu lagu yiri war-saxaafadeedka
Aqbalidda gogashan ayaa timid xilli Goluhu horey ugu baaqay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu isugu yeero shir wadatashi ah, kadib markii ay ku shireen magaalada Kismaayo bishii December ee la soo dhaafay.
In kasta oo Goluhu aqbalay ka qaybgalka shirka dhacaya 1-da Febraayo 2026, haddana waxay soo saareen shuruudo adag oo ay tahay in Madaxweynuhu fuliyo si shirka loogu qabto jawi kalsooni leh una u nqoqdo mira dhal, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. In gebi ahaanba la joojiyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee 2012-ka, kaasoo ay mucaaradku u arkaan tallaabo aan loo dhamayn.
2. In ajandaha ugu horreeya laga dhigo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.





