Garoowe (Dawan)- Siyaasiyiinta ku mideysan Dallada Mucaaradka ah Puntland ayaa maanta soo saaray jadwal doorasho oo khilaafsan jadwalkii Guddiga doorashooyinku uu shaaciyay.
Bayaan ay soo saareen Mucaaradka ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxtinimada Maamul Goboleedka Puntland lagu qabto waqtigii la qaban jiray, si looga dhowrsado firaaq dasturi ah.
Jadwalka ay soo saareen ayaa tilmaamaya in Doorashada Golaha Wakiilada la qabto 4-ta January halka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la qabanayo 8-da January 2024.
Go'aanka Mucaaradka ayaa muujinaya khilaafka xooggan ee ka jira habka loo qabanayo doorashada Puntland, iyada uu Madaxweyne Deni ku jiro xusul duub ah in uu qabto doorasho qof iyo cod ah oo ay tartamaan axsaab siyaasadeed.
Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hore u shaaciyay in doorashada Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo wakiiladaba ay dhici doonaan 25 February ee sannadka 2024, shacabkuna ay soo dooran doonaan.
Mucaaradka ayaa ka hor yimid jadwalka Guddiga Doorashooyina waxena ku eedeeyeen in Siciid Deni doonayao muddo kororsi u keeni kara Puntland xasilooni darro.





