By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya– Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideeysanyihiin Mucaaradka dowladda Soomaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay in dib loogu laabto habka doorashada dadbanayd ee sanadkii 2022, waxayna ku baaqday in la qabto doorashooyin toos ah oo daahfuran, kuna saleysan mabda’a qof iyo cod.
War-murtiyeedka ay Madashu soo saartay 31 May 2025 ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay rabaan ay tahay inay lahaato saddex shardi oo kala ah: in doorashooyinka lagu qabto dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee 2012 oo ay heshiis ku galeen dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya; in lagu qabto sharciga xisbiyada siyaasadda ee Baarlamaankii sagaalaad ansixiyey; iyo in lagu qabto xeerarka guddiga doorashada ee uu ansixiyay Baarlamaankii tobnaad ee dalka.
“Madashu waxay ka soo horjeeddaa in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022, waxay taageersantahay hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.



