Muqdisho (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka wareejiyay kana dhigtay saldhig Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Farriin gaaban uu soo dhigay Facebook ayuu ku sheegay inuu usoo laabtay si usii amba-qaado dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadka, isaga oo ku baaqay in ay waajib ah in gacmaha la is qabsado oo meel iska dhigo khilaafaadka siyaasadeed.
"Waxaan doonayaa -hadduu Ilaah yiraahdo- inaan ka shaqeeyo, xalna ka dhax raadiyo Dastuurka furan oo la doonayo in wax laga beddelo ama la dhameystiro" ayuu Farmaajo yiri.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa u arka in soo noqoshada Farmaajo kusoo beegantay xilli ay Dowladdu wajaheyso dhibaatooyin badan oo dalka ka jira sida dagaalkii Al-Shabaab oo joogsaday, xasaradii ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland iyo khilaafka ka taagan dhameystirka Dastuurka.






