Muqdisho (Dawan)- Boqolaal ka mid ah dadwaynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay Xeebta Liido, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Hotel Beach View, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof, 247 kalena ay ku dhaawacmeen.
Bannaanbaxa oo ay hor boodayeen mas'uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Maamulka gobolka Banaaadir, waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u tira badan kuwaas oo ka kalala yimid degmooyiinka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale oo la hadlay dibadbaxayaasha ayaa yiri “Khawaarijtu diin malaha, aqoon malaha, dadnimo malaha, damiirna malaha, waana dilaay" waxa uuna intaas ku daray inay waajibtahay in lala dagaalo.
Sidoo kale waxaa banaanbaxa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Aadam Cali oo dadka xasuusiyay weeraradii ay Al-Shabaab horay uga geysteen Magaalada Muqdisho, sida qaraxii Hotel Shaamo ee 2009-kii, Weerarkii Hargaha iyo Saamaha ee 2011-kii, iyo Weeraradii Zope ee 2017-kii. iyo 2022. Wuxuu shacabka ku booriyay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago dhibaatooyinka kale.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday xeebta Liido, jimcii lasoo dhaafay, waxeyna xustay inay dagaalyahanadooda ay ku dileen 54-ruux, 87-kalena ay ku dhaawaceen weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.








