Muqdishu (Dawan)-Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa " IMAAM ADEERKIIS AYAA RUNTA U SHEEGA"Hadii dadka kale ay Imaamka xantaan, oo ay ka haybeystaan, inta aan Imaamka maradu ka dhicin, Adeerkiis ayaa runta gacanta ka saara oo dadka ka qabta, kuna yiraahd " Imaam, waxaas iyo waxaas ka joog jid uma lihide".Waxaa kale oo la yiraahdaa, hadii qof laga yaabo oo loo caal waayo: WAR QOFKAAS YAA GACAN QABADKIISA ISKA LEH? Inta aan go'aan laga qaadan.Hadda waa in aan kugula dhiiradaa waxyaabaha aysan dadka kale kugula dhiiran karin, hayeeshee, ay kugu xantaan, waayo waxa aan ahay INA ADEERKAA oo maalin walba loo soo cabanayo.
Haddii anigu aan kugu dhiiran waayana, waxa aan u ekaanaya nin INA ADEERNIMADI ka been sheegay, ama NIN LA II YAQAAN, hayeeshee, ASAGU AAN I A AQOONIN!Intaas marka lagu sii daro. in danaha dalka iyo dadku ay dhexda noo yaalaan, oo ay dhammaanteen naga weynyihiin, qofna aan marti looga ahayn.






