Abu Dubai (Dawan)- Safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ayaa ugu dambeyn yeelatay Danjire cusub kadib muddo dheer oo aysan Soomaaliya u magacaabin safiir dalkaas.
Xurguf siyaasadeed ayaa ka dhaxeysay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda Imaaradka Carabta, taas oo keentay in ay joogsadaan xiriirkii tooska ahaa ee ka dhaxeeyay labada dal.
Dib usoo noqoshadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhalisay in uu dib usoo noolaado xiriirkii diblumaasiyaadeed ee labada dhinac, waxaana dib loo furay xerada tababarka ciidamada ee ay maamusho dowladda Imaaraadka Carabta.
Danjire Xuseen Cabdi Xalane ayaa howlihiisa shaqo guda galay kadib markii uu warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraddka, isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqan doono xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.





