Beyruut (Dawan)- Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weeraro is daba joog ku qaaday deegaanka koonfureed ee magaalada Beyruut, iyaga oo bartilmaameedsaday xarunta weyn ee kooxda Xisbullaahi.
Warbaahinta Israel waxay sheegtay in bartilmaameedku ahaa in laga taqaluso hoggaamiyaha ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah, inkata oo aan la xaqiijin dhimashadiisa ilaa iyo hadda.
Aljazeera waxa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israel inay duleedka koonfureed ee Beyruut inay la ka fuliyeen in ka badan 30 duqeymo kuwaas oo lala beegsadaydhismayaal ku yaala Al-Kafaat, Al-Shuweyifat, Al-Hadath, iyo Al-Layliki.
Sawirro uu baahiyay TV-ga Aljazeera ayaa muujinayay burburka dhismooyiinka iyo qaac iyo holac is qabsaday kadib weerarada Israel.
Cidamada Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen xarumo lagu keydiyo hubka oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan.






