Lampedusa 20 October 2025 (Dawan) — Ciidamada badbaadada badda ee Talyaaniga ayaa sheegay in ay ka soo badbaadiyeen badda Mediterranean-ka doon siday ilaa 85 muhaajiriin ah, meel16 mayl u jirta jasiiradda Lampedusa, halkaas oo laba qof ay ku dhinteen14 kalana ay xaaladoodu halis tahay, oo ka yimid Liibiya.
Wararka laga helay warbaahinta Talyaaniga sida ANSA, Sky TG24, iyo La Sicilia ayaa xaqiijiyay in dadka la soo badbaadiyay ay u badan yihiin Pakistan, Eritrea, Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay jiraan haweeney iyo shan carruur ah. Doonyaha Ilaalada Maaliyadda (Guardia di Finanza) iyo Ilaalada Xeebaha (Guardia Costiera) ayaa ka qeyb qaatay hawlgalka badbaadinta, ka dib markii helikobtarka HeloLux uu arkay doon sabbaynaysa badda dhexdeeda.
Saraakiisha badbaadada ayaa sheegay in labada qof ee dhintay ay u geeriyoodeen neefsashada gaaska shidaalka ee ku urursanaa qeybta hoose ee doonta, halka dadka dhaawacmay ay la ildaran yihiin xaalado la mid ah kuwaas. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa la gaarsiiyay isbitaallada Palermo iyo Pantelleria iyadoo la adeegsanayo helikobtaro caafimaad.







