Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Cumar Cali Baasha. Khabiir dhanka dhaqaalaha ahna La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Dawladda Soomaaliya ayaa soo rogtay canshuurta loo yaqaano VAT oo illa 5% ah oo ka go’aysa dhammaan dhaqdhaqaayada kala iibsi ee suuqyada, gaar ahaan lacagaha lagu diro moobilka ee loo yaqaan mobile money.
Falcelinta bulshada ayaa u badneed layaab iyo isweydiinta halka la geynayo lacagahaas, sida loo maareynayo iyo sharciyadda canshuurtaas.
Waxaan inyar ka faaloon doonna guud ahaan canshuuraha iyo muhiimadda ay u leeyihiin jiritaanka dawladnimo ee umad walba.
Dawladuhu waa ku kala duwanyihin siyaasadda canshuurta balse waxa ay isku waafaqsanyihiin in canshuur arruurintu ay tahay arrin salka ku haysa madaxbanaanida iyo jiritaanka dawladda (Sovereignty).
Dawlad walba ee adduunka waxa ay adeegsataa siyaasad maaliyadeed “Fiscal Policy” oo jaangoysa sida ay dawladda lacag usoo arruuriso iyo sida ay u kharasheyso lacagahaas, labaadsoo la isku barbar dhigo ayaa laga qiyaasa xaaladda maaliyadeed ee dawladda “balance of Payment”, oo dawladaha ay miisaaniyadooda ka badantahay lacagaha ay kharasheeyaan ku soo galo waxaa lagu tilmaama dawlad miisaaniyadeedu kab u baahanyahay “budget deficiency” halka dawladaha ay ka badantahay lacagaha so galo kuwa ay kharasheeyaan ay ku jiraan xaalad la yiraahdo “Budget surplus”.
Awoodda dhaqaale ee dawladaha ayaa halkaas laga qiyaasaa, sidaa darteed dawladaha ayaa ku kala duwan heerarka ku tiirsanaanshiyaha canshuuraha. Dawladaha qaar canshuurtu waa isha kaliya ee dhaqaale ee dawladda, dhanka dawladaha qaar ay leeyihiin illo dhaqaalo oo kala duwan, una suuragalisa in ay ku kabto bixinta kharashaadka iyo adeegyada laga rabo dawladda bil walba.
Aan usoo noqono canshuuraha dalkeena oo ah kuwa heer bilow ah, oo u baahan in la hormariyo lana fadhiisiyo siyaasadda canshuurta guud ahaan.






