Muqdisho (Dawan)- Muuqaalka habeenkii ee Magaalada Muqdisho ayaa aad isku beddelay waayihii u dambeeyay, waxaadna la kulmeysaa cariiriga waddooyina iyo mashquulka goobaha ganacsiga kuwaas oo furan habeenka xilliyada dambe.
Waxaa magaalada laga furay Super Market-yo laga heli karo badeecadaha kala duwan iyo goobo ay ku nastaan qoysaska, asaxaabta shaqa wadaaagga ah ama raba in ay waqti wada qaataan.
Helitaanka wax soo saarka shirkadaha caan baxay ee dunida, isbeddelka xagga ammaanka iyo fursadaha ganacsi ee sii kobacaya ayaa ku dhiiri geliyay Qurba-joogta in ay dalkooda kusoo laabtaan kuna qaataan waqtiyada fasaxa ama kasameeyaan Maalgashi.
"Waxaan la heli karin waaye, Yurubta qaar ayaadan ka heleyn. Somaaliya, Muqdishu inaad 24 saac ay furanyihiin meel aad waxaad rabto ka heli karto aad ayaan ugu faraxsanhaay. Cabsida dadka ay sheegaan ayaa ii sawirneed laakin maanta Al-xamdulilaah, waxaan arkaa inaysan waxaas jirin. Wax dhibaato ah uma jeedi" ayuu yiri, Sakariye Maxamed Shiiqey oo ka adeegnaya mid ka mid ah suuqyada casriga ah ee laga furay magaalada Muqdisho.

Super Market-yada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay dalka keenaan Maarkooyinka Caalamiga ah oo leh macaamiil, haba u badnaadaane Qurba-joogta.
"Muqdisho hadda wax badan ayaa iska beddelay. Dhowr saano ka hor sidaan ma ahayn. Hadda wax walba waad ka ka heli kartaa gudaha dalka" ayey tiri, Axlaam Cabdullaahi oo ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeyb kamid ah Qurba- joogta booqashada ku timid dalka, ayaa go’aamadooda wax ka beddelay kadib markii ay arkeen heerka adeegga iyo nolosha magaalada Muqdisho.
“ Turkey ayaan degganaa oo aan kasoo guuray, hadda waxaan taaganahay meeshi ugu fiicneed waddankeyga. Dalka fursad fiican aaya jirta, ciddi ka faa'iideysaneysa, hadda waxaan jooga meel aan ku faani karo" ayey tiri, Fartuunn Shuute oo ka timid Turkiga.
Fartuun ayaa intaas ku dartay "Xiiligi adkaa waan kasoo baxany, waxaan mareynaa xilli fiican oo aan u baahneyn waddan ajnabi ah"

Qurba-joogta ayaa dareemay in wax badan iska beddeleen qaab ganacsiga iyo suuqayada magaalada Muqdisho, waxeyna u riyaaqeeyn suuqyada casriga ah ee la furay kuwaas oo fududeeyay inaad waxaad rabto kawada hesho goob qura.








