Soomaaliya, 16 Nofeembar 2025 — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar dhigaya in dhammaan dhismayaasha ku yaalla magaalada Muqdisho ay jaraan bulaacadaha sharci-darrada ah ee hadda ku xiran biyo-mareennada caasimadda, iyadoo lagu wargeliyay bulshada in qof kasta oo aan u hoggaansamin lagu ganaaxi doono lacago dhan $500 illaa $2,000.
Amarkan oo uu saxiixay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamuud Xuseen (Muungaab), ayaa lagu sheegay inuu yimid kaddib digniin uu soo jeediyay Waaxda Howlaha Guud ee gobolka, oo sheegtay in bulaacadaha lagu shubo biyo-mareennada dadweynaha ay sababeen xannibaado, wasakhow deegaanka iyo khataro caafimaad oo sii kordhaya.
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa Sabtidii sheegay in maamulka uu siiyay dadka reer Muqdisho iyo ganacsiyada muddo toban maalmood ah si ay uga saaraan meelaha ay ugu xiran yihiin. Wuxuu tilmaamay in ciddii amarkan jebisa lagu qaadi doono ganaax lacageed oo ku xiran baaxadda dhismaha iyo dhibaatada uu sababay.



-1024x683.jpg&w=3840&q=85)



