Muqdisho (Dawan ) – Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay maanta martigelinaysa kulamada 34-aad ee Golaha Siyaasadda ee Ciidamada Heeganka Bariga Afrika (EASF).
Kulankaan oo soconaya inta u dhaxaysa 15 ilaa 19-ka Luulyo, ayaa waxaa ka qaybgalaya saraakiil ciidan, diblomaasiyiin, iyo siyaasiyiin ka kala socda 10-ka dal ee xubnaha ka ah EASF: Burundi, Comoros, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Suudaan, iyo Uganda. Kulanka waxaa looga hadlayaa dadaalladii hore iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ku saabsan ilaalinta nabadda, ka hortagga argagixisada, iyo diyaar-garowga degdegga ah.
Kulamada 34-aad ee Golaha Siyaasadda EASF waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cabdi Cali. Khudbaddiisa furitaanka ayuu ku soo dhaweeyay wafdiga martida ah ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna xusay in ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya martigeliso kulankan heerka sare ah.
Wuxuu sheegay in go’aanka lagu qabtay kulanka Soomaaliya uu ka tarjumayo “kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya,” iyo horumarka laga sameeyay ammaanka iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca, sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga.





