Hague (Dawan)- Maxkamadda Caddaaladda Adduuna ( ICJ) ayaa maanta u fadhiisatay xal ka gaaridda muranka u dhaxeeya dowladaha galbeedka Afrika ee Gabon iyo Equatorial Guinea kuwaas oo isku haysta seddex jasiiradood.
Muranka lahaanshiya seddexdaan jasiiradood oo lagu kala magacaabo Mbanie, Cocotier iyo Conga ayaa soo jiitamayay tan iyo 1970-aadkii, waxaana la saadaalinaya inuu shidaal ka buuxo.
Jasiiradda Mbanie waxay ku fadhidaa dhul lagu qiyaasay 30-hektar, halka labada kale ay ka yaryihiin intaas.
Khilaafka oo daba dheeraaday awgeed, labada dal waxay ugu dambayn ku heshiiyeen in arrinta loo bandhigo maxkamadda si loo helo xal dhexdhexaad ah.
Muranka lahaansha jasiiradahan waxa uu salka ku haya sannadkii 1900-kii, markaasoo dalalkii Faransiiska iyo Spain ay xilligaas ku kala saxiixdeen magaalada Paris heshiis dhigaya xuduudda labada dal.
Gabon waxa ay ku doodaysaa in heshiis la saxiixay 1974-ki oo lagu magacaabo Heshiiskii Bata- inuu qirayo lahaanshaheeda jasiiradaha.



