Maka (Dawan)- Xujeyda Muslimiinta ah ee ka kala timid daafaha dunida ayaa maanta istaagsan buurta Carafo si ay u gutaan rukniga ugu wayn ee Xajka, iyaga gacmahooda kor u taagaya kuna dhawaaqaya kalinimada Ilaah.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay inay dalka soo gaaren in ka badan 1.5 milyan oo xujey ah kuwaas oo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah, waxayna ballan qaaday sidii ay u heli lahaayeen adeegyada ay u baahanyihiin si ay uga mira dhaliyaan ujeedkooda booqashada baytka Ilaah iyo rasuulka nabad gelyo iyo naxariis korkiisa aha ahaate.

Sacuudiga ayaa sameeyay diyaargarow ballaaran oo dhanka adeegga iyo amniga ah, iyada laamaha amnigu ay ka hortageen soona qabteen dad tira badan oo doonayay in ay xajiyaan iyaga oo aan hasyan ogolaanshaha xajka.
Buurta Carafa waxa ay ku taal jidka u dhexeeya magaalooyinka Maka iyo Daa'if oo 10 KM u jirta Mina, halkaas oo xujaydu shalay ku qaateen maalinta Tarwiyah.








