Soomaaliya, 20 Oktoobar 2025 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay inuu doonayo in la doorto, islamarkaana shacabka ku booriyay inay taageeraan doorashada Golaha Deegaanka ee qorshaysan in la qabto 30 November 2025.
Isagoo ka hadlayay munaasabad Axaddii lagu soo bandhigay Liiska Ku-meel-gaarka ah ee codbixiyayaasha Gobolka Banaadir, Muungaab ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay inuu hogaamiyo caasimadda isla markaana la shaqeeyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee ka qeyb galaya doorashada.
“Aniga waxaan ahay Duqa Magaalada, waana rabaa in la i doorto.Waxaan rabaa inaan sameeyo xiriir wanaagsan oo aan la yeesho dhammaan ururada ku tartamaya golayaasha deegaanka,” ayuu yiri.
Muungaab ayaa ku booriyay muwaadiniinta inay qaataan kaararka codbixinta oo ay si firfircoon uga qayb qaataan doorashada, isaga oo carabka ku adkeeyay in ka qeybgalka shacabka uu muhiim u yahay dhismaha maamul hufan oo daahfuran.





