Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Soomaaliland.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu yiri “Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka”
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ka codsaday Golaha Guurtida iyo Wakiillada in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Soomaaliland.



