Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xukuumaddiisa, isaga oo sameeyay xil qaadis, magacaabis iyo isku beddelka qaar ka mid ah Golaha Wasiiradiisa.
Biixi ayaa xilka ka qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil, Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga, Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne.
Dhanka kale, Wasiiradda la magacaabay iyo kuwa loo kal wareejiyay wasaaradaha ayaa kala ah:
1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale: Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
2. Axmed Aadan Axmed Buuxane: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
3. Axmed Maxamed Diiriye Cige: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.
5. Cali Xasan Maxamed Jaamac: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.





