Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay wax ka bedelka xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinaayo laba xeer oo kala ah:- Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023. Iyo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland
Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ansixyey wax ka bedelka labadaan xeer bishii February ee lasoo dhaafay.






