Muqdisho (Dawan)- In ka badan 100 muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Liibiya ayaa maanta dib loogu soo celiyay dhulkooda Hooyo.
Dadkaan oo sida badan markii hore qaab tahriib ah ku galay Libya si ay uga sii gudabaan qaaradda Yurub ayaa dhibaato kala kulmay mukhallasiinta dadka tahriibisa iyo guud ahaan xaaladda dalka Libya oo ah mid dagaal
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Libya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa ku guuleysatay in muwaadiniinta maanta lagu soo celiyo dalkooda
Raage Cusmaan oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan wada tashiyo ay la leeyihiin Dowladda Libya si loo fududeeyo in ay dib u soo laabtaan muwaadiniin kale oo wali ku xayiran dalkaas.
Raage ayaa yiri " Waxaa jira tiro badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo weli ku jira gacanta mukhallasiinta, waxaana dowladda Libya kala shaqeyneynaa sidii loo dedejin lahaa soo celinta shaqsiyaadkaas"
Agaasimaha ayaa ugu digay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay naftooda halis geliyaan iyaga oo tahriibiya si ay u gaaraan dalalka Yurub.
Maryan Yaasiin Yuusuf, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Carruurta iyo Muhaajiriinta, ayaa ku celisay sida ay dowladda uga go’an tahay fududeynta soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Libya iyo dalalka kale.
"Waxaa farxad weyn ah in aanu markhaati ka nahay dadkeenii oo ku soo laabanaya dalkooda ka dib markii ay soo mareen safar adag oo dhib badan. Tani waa dadaal wadajir ah oo ay ka qeyb qaadanayaan wasaaradaha kala duwan ee dowladda, waxaana sii laba jibbaari doonaa dadaallada aan ku raadineyno dadkeena weli ku dhibaateysan Libya iyo dalalka kale,” ayay tiri Danjire Maryan Yaasiin.





