Cape Town (Dawan)- Laba nin oo ah ganacsato Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay magaaalda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika iyaga oo ku sugan goobtooda ganacsi.
Sida aan xogta ku helnay labada nin ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Cumar Cosoble iyo Xuseen Axmed Maxamed, waxeyn aka mid ahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Cape Town.
Lama oga sababta ka dambeysa in la dilo labdaan muwaadin balse waxaa dalka Koonfur Afrika caadi ka noqotay waaydi ugu damebeysay in la bartilmaameedsado Soomaalida ku nool dalkaas.
Booliska Koonfur Afrika ayaa dilka kadib goobta tegay, waxeyna sheegeen in baaritaan la sameyn doono si gacanta loogu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha.



