Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xalay ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn, isaga oo tacsi u diray ciidamada Somaliland ee ku geeriyooday dagaalkaasi, kaas oo uu ku tilmaamay mid gardarro ah. Cirro ayaa hadalkan ka jeediyay xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.
Madaxweyne Cirro ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay "duullaan gardarro ah" oo lagu soo qaaday deegaanka nabdoon, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay difaacan doonto qarankeeda.
"Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u joogay. Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa," ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka Somaliland ee ah in nabadda la sii wado, balse ay adkayn doonaan difaaca qaranka.



