Boorama(Dawan) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Awdal galabnimadii 7 September 2025, Cirro ayaa mashaariic la taaban karo oo bulshada u horseedaya horumar muuqda iyo go’aano ku dhawaaqay intu u uku sugnaa Borama.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in qiimaha korontada magaalada Boorama hoos loo dhigi doono laga bilaabo 1-da November 2025, iyadoo halkii watt uu noqon dono 0.59 halka marki hore uu ahaa 0.73, go’aan ay kala simanyihiin Wajaale. Waxa kale oo uu ballan qaaday in sanad kadib, bisha November 2026, qiimahaasi mar kale hoos u dhacayo oo noqonayo 0.3.
Dhanka kale, Cirro wuxuu si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca ballaarinta biyaha magaalada Boorama oo lagu maalgeliyay qarashka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray warshad cusub oo oksijiin ah oo laga hirgeliyay Isbitaalka weyn ee Boorama. Warshaddan ayaa awood u leh inay soo saarto oksijiin ku filan baahiyaha degdegga ah ee gobolka, taas oo hoos u dhigi doonta kharashaadkii looga keeni jiray oksijiinta meelaha kale. Waxa kale oo uu dhagax dhigay dhismaha cusbitaalka cusub ee Maanka oo lagu daweyn doono xanuunnada dhimirka.





