Mogadishu, Somalia – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 24 February 2025 booqasho rasmi ah ku tegay dalka Liibiya si loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal. Booqashadan ayaa lagu saleeyay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaallanka tahriibka, iyo xal u helidda dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya.
Iskaashi Laga Sugayo & Arrimaha Diiradda Lagu Saarayo
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay: “Madaxweynayaasha Libiya iyo Soomaaliya ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaallanka tahriibka, iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.”
Ka hor inta uusan madaxweynaha gaarin Tripoli, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa horey u booqday Liibiya si uu gogol-xaadhka ugu sameeyo kulamadan muhiimka ah.
Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal
Booqashadan waxay daba socotaa kulamo diblomaasiyadeed oo dhowaanahan dhexmaray labada dal:





