Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, maanta kama qeybgalin codeynta doorashada tooska ah ee golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, sababta oo ah ma uusan iska diiwaan gelin gobolka Banaadir.
Sida ay Dawan ogaatay, Xamse ayaa qorsheynaya in uu iska diiwaan geliyo magaalada Kismaayo, halkaas oo uu ka codeyn doono, maadaama Kismaayo ay tahay deegaan doorashada u qoondeysan Ra’iisul Wasaaraha ahna Gudoomiyaha ku-xigeenka ururka siyaasadeed ee Cadaaladda iyo Wadajirka.
Xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubaland ee Kismaayo, lama laha xiriir toos doorashada maanta ka socota Muqdisho, maadaama maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu horay uga soo horjeestay hannaanka loo maray doorashada. Khilaafkaas ayaa saameyn ku yeeshay xiriirka Kismaayo iyo dowladda dhexe.






