Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono xasilloonida dalka isla markaana uu hirgelin doono dib-u-habeyn dhaqaale, Xilli uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo mar kale xilka madaxweynaha doorashada 10-ka Abriil.
Khudbad uu jeediyay Khamiistii ayuu Geelle ku sheegay inuu u taagan yahay doorashada si uu u sii wado adeegga dalka iyo shacabka, halkii uu ka bilaabi lahaa marxalad cusub. “Waxaan mar kale hortiinna istaagayaa, ma aha inaan bilow cusub sameeyo, balse inaan sii wadno jidkeenna,” ayuu yiri, isagoo si rasmi ah ugu dhawaaqay musharaxnimadiisa isagoo ka socda isbahaysiga talada haya ee sbahaysiga Aqlabiyadda Madaxtooyada (UMP).
Geelle ayaa iftiimiyay waxqabadka dowladdiisa ee la xiriira ilaalinta xasilloonida dalka ee ku yaalla gobol aan degganayn, ilaalinta nabadda iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo Jabuuti ka dhigay door muhiim ah oo ka tirsan Geeska Afrika.
“Waxaan ku guuleysanay inaan ilaalino xasilloonida dalkeenna gobol aan degganayn. Waxaan ilaalinay nabadda halka ay dalal kale ku dhaceen fowdo,” ayuu yiri.
