Jabuuti (Dawan )– Ololaha doorashada madaxtinimada Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilowday, taas oo bilaabaysa 15 maalmood oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah ka hor doorashada la filayo 10-ka Abriil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Ololaha ayaa furmay habeenimadii Jimcaha saqdii dhexe, wuxuuna socon doonaa ilaa 8-da Abriil, sida uu dhigayo xeerka madaxweynaha ee nidaaminaya doorashada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Saciid Nuux Xasan ayaa sheegay in jadwalkan uu waafaqsan yahay shuruucda doorashada, isagoo intaas ku daray in dowladda ay qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo habsami u socodka .
“Ololaha doorashada wuxuu bilaabanayaa Jimcaha, 27-ka Maarso saqda dhexe, wuxuuna dhammaanayaa 8-da Abriil saqda dhexe,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa ugu baaqay musharixiinta inay qabtaan olole masuuliyad leh oo anshax leh, isla markaana ay ixtiraamaan nidaamka guud iyo qiyamka dimuqraadiyadeed.
