Soomaaliya (Dawan) — Sanad kasta, malaayiin Muslimiin ah ayaa u safra Xaramka si ay u gutaan Cumrada. Sanadkan, 80 qof oo Soomaali ah ayaa ku biiray barnaamij gaar ah oo u oggolaanaya dadka danyarta ah inay si fudud u bixiyaan kharashka Cumrada.
Barnaamijkan, oo loo yaqaan Haleel, waxaa iska kaashaday Premier Bank iyo Hanzo, isagoo bixiya qorshe “u safar hadda, oo gadaal ka bixi” si loo daboolo kharashka Cumrada.
Barnaamijka Haleel wuxuu sannado badan u suurageliyay dad badan oo Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan Cumrada iyagoo aan awoodin in hal mar bixiyaan kharashka oo dhan.
“Dallada iyo Bankigu waxay is tusiyeen baahida ka jirta adeegyada Xajka iyo Cumrada, iyadoo dadka doonaya ay awoodi waayeen inay kaash ku bixiyaan kharashka oo dhan,” ayuu yiri Axmed Bashiir Cusmaan, Maamulaha adeega Haleel.
Xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, dadka safarka ah waxaa loogu sameeyay sagootin iyo xaflado afur wadareed ah garoonka diyaaradaha, ka hor inta aysan dhoofin.






