Muqdisho, 9 Maarso 2026 (Dawan)— Isbaheysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa Isniintan ka digay isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka hay’adaha dowladda federaalka, xilli dhowaan wax ka beddel lagu sameeyay Dastuurka Federaalka, kaas oo muddada xilka madaxweynaha iyo baarlamaanka ka dhigaya shan sano.
Isbaheysiga ayaa sheegay in marka loo eego Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, muddada xilka Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku egtahay 15-ka May 2026. “Goluhu wuxuu si cad, oo aan mugdi ku jirin, uga soo horjeedaa isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka wixii ka dambeeya xilliyada si cad loogu qeexay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu goluhu soo saaray. “Soomaaliya waxay horay u aragtay cawaaqib xumada ka dhalata isku dayada muddo-kordhinta.” ayaa la raaciyay
Golaha ayaa sidoo kale tusaale usoo qaatay qalalaasihii siyaasadeed ee 2021-kii, markii qorshe muddo-kordhin ah uu sababay iska horimaadyo hubeysan oo dhexmaray garabyo ka tirsan ciidamada ammaanka, kuwaas oo ka dhacay waddooyinka Muqdisho.
“Khibraddaasi waa digniin cad oo muujineysa in Soomaaliya aysan mar kale qaadi karin waddo horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni,” ayaa lagu daray bayaanka.







