Kismaayo, 9 Maarso 2026 (Dawan)- Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay General Claude K. Tudor Jr., oo ah Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika ee hoos taga AFRICOM, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka amniga iyo dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga u dhexeeya ciidamada amniga Jubaland iyo milatariga Maraykanka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.
“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland,” ayaa lagu yiri bayaanka.







