Nairobi (Dawan)- Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee dalka Kenya (NCIC) ayaa u yeeray mudanaha laga soo doortay deegaan Baarlamaneedka Dhadhaab ee ismaamulka Garissa, Faarax Macallin.
Siyaasigan ayaa su’aallo laga waydiin doonaa hadal uu jeediyay oo lagu tilmaamay mid xanaf leh oo dhallinyarada Kenyaanka ah ka caroodeen.
Sidoo kale siyasigan ayaa Guddiga qaran ee fulinta ee xisbiga Wiper wuxu go'aan ku gaaray in xubinnimadii uu xisbiga ka hayay laga xayuubiyo. Waxaa sidoo kale laga xayuubiyay dhammaan jagooyinkii uu xisbiga ka hayay.
Faarax Macallin ayaa ahaa hoggaamiye ku xigeenka xisbiga Wiper.
Go'aanka xisbiga Wiper ayaa yimid xilli ay qaar ka mid ah dadweynaha Kenyanka ah ay dalbanayan in lasoo xiro Maxkamadna la soo taago Xildhibaanka laga soo doortay Dhadhaab ee Faarax Macallin oo lagu edeeyay hadalo ka dhan ah dhalinyarada dibadbaxaysay.





