Riyaad (Dawan)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan heshiiskii is-afgradka ahaa ee dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland , iyada oo sheegtay in ay garab taagantahay midnimada dhuleed iyo gobonimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Sacuudiga waxaa lagu sheegay in oo baahan yahay in loo hoggaansamo mabaadi'da deris-wanaagga, muhiimadda koowaadna la siiyo xasiloonida Gobolka iyada oo ay iskaashanayaan Dowladaha Gobolka.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kusoo biirtay Ururada Caalamiga iyo Dowladaha sida cad uga hor yimid heshiiska ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho Bad.



