Muqdisho 18 December 2025 (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) Jamhuuriyadda Uganda, kadib markii lasoo gabagabeeyay Kafadhigii 35-aad ee EASF oo ay Soomaaliya martigelisay muddadii u dhaxeysay 13kii ilaa 18-ka bishaan December.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah EASF iskaashigii dhowaa iyo wadashaqeyntii miro-dhalka ahayd ee ay la lahaayeen Soomaaliya muddadii ay hoggaanka haysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ka go’an tahay sii wadidda taageerada, ka-qaybgalka firfircoon, iyo kaalin qaadashada dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Afrikada Bari.

Intii uu socday kalfadhigan, waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amniga ee gobolka, hirgelinta go’aannadii hore, casharradii laga bartay dhoolatusyadii dhawaan dhacay, natiijooyinka hanti-dhowrka, iyo Qorshe-howleedka EASF ee 2025, iyadoo sidoo kale la isla eegay miisaaniyadda iyo qorshe-howleedka sannadka 2026.
Soomaaliya ayaa muddo hal sano ah haysay hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda ee EASF, intii lagu guda jirayna waxa ay martigelisay shirar muhiim ah oo lagu xoojinayay wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah, lana dardargelinayay qorshayaasha amni ee gobolka.
Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) waa urur goboleed amni oo ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla Bariga Afrika, waxaana loo aas-aasay si loo xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga khataraha amni, xallinta colaadaha iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca gobolka.






