Accra (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga qaybgelaya magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, shir madaxeedka 6-aad ee isku xirka Midowga Afrika iyo ururada dhaqaalaha gobolka kaasoo sanadkiiba mar la qabto.
Ujeedada ugu weyn ee kulankan ayaa ah in lagu kala qaato qiimeyn lagu samaynayo waxyaabihii usoo qabsoomay ururada dhaqaalaha ee qaaraadda kuwaas oo hore loo dejiyay si kor loogu qaado is-dhaxgalka dhaqaalaha iyo is-dhamaystirka qaaradda Afrika.
Shir-madaxeedkan ayaa sidoo kale loogu tala galay in lagu diyaariyo qorshaha lagu hormarinaayo dowladaha Afrika ee dhinacyada sharciyada, maamulka , dhaqaalaha iyo maaliyadda.





