Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilsay wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo dhamaan qoraal ka siday Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit.
Dhambaalka waxaa Madaxweynaha guddoonsiiyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, ahna Madaxa Arrimaha Amniga Carabta, iyada oo ay la socdeen Zayid Al-Sabban, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan iyo Ergayga iyo madaxa howlgalka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi.
Fariinta ay sidaan wafdiga ayaa la xiriirta dhaqangelinta go’aankii Golaha Jaamacadda Carabta ee tirsigiisu ahaa 8988, kaas oo soo baxay 27-kii bishii January, kuna saabsaana taageeridda madax bannaanida Dowladda Soomaaliya iyo diidmada ay Itoobiya ku dooneyso in ay si sharci darro ah ku hesho xeebaha Soomaaliya.

Wafdiga ayaa dhageystay aragtida Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda ka taagan Geeska Afrika, waxaana la isla gartay in arrimaha Soomaaliya si gooni ah loogu soo bandhigo shir-madaxeedka Carabta ee soo socda kaas oo ka dhici Caasimadda Baxreyn ee Manama.
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu wafdiga u dhiibay dhambaal xanbaarsan qaddarin iyo bogaadin uu u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhammaan dalalka Carabta ee taageeray madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa mar kale ku celiyay mowqifka Soomaaliya ee ku aadan diidmada heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland 1-dii January , isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka waaban doonin inay difaacdo dhulkeeda.







