Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar, Tamiim Bin Xamad ayaa khadka telefoonka uga wada hadlay xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal, sida ay xaqiijiyeen labada Madaxtooyo.
Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri, " Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar".
Amiirka Qatar, Tamiim ayaa ah hoggaamiyihi labaad ee Carbeed kaas oo Madaxweyne Xasan kala hadla arrimaha Gobolka kadib xiisadda soo cusboonaatay ee Badda
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale arrintaan kala hadlay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, iyada oo ay Masar caddeysay mowqifkeeda ku aadan xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.





