Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay hurinayaan dagaal beeleedyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo galaaftay nolosha dad tira badan.
Madaxweyne Xasan oo shalay furay Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaan kusoo qaatay khudbadiisa, wuxuuna yiri; " Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka KHAWAARIJTA"
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay dadaal xoogan u galeen sidii wax looga qaban lahaa qaboojinta iyo dhexdhexaadinta dhinacyada dagaallamaya, isla markaana nabad loogu soo celin lahaa goobaha ay colaaddu ka jirto, wuxuuna bogaadiyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay arrintaas.
"Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha" ayuu yiri; Xasan Sheekh.



