Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday ka qeyb galka shir madaxeedka ururka iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul ee dalka Gambia.
Madaxtooyada Soomaaliya kama bixin wax faahfaahin ah sababta keentay in Madaxweyne Xasan ka baaqdo shirka ay isagu imaanayaan madaxda ururka iskaashiga Islaamka oo ah ururka labaad ee ugu weyn dunida marka laga soo tago Qaramada Midoobay, iyada oo ay xubin ka yihiin todoba iyo konton waddan.
"Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo saaka ka furmaya Banjul, waxaa horkacaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb gelaya, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac oo Wakiil ka ah Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamud" sidaas waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray, Yuusuf Garaad oo ah Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya haatan ka mid ah diblomaasiyiinta ku sugan shirka.



