Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka, kadib markuu kasoo muuqday mar kale minbarka Masjidka Madaxtooyada uu maalmihii lasoo dhaafay uga maqnaa howla shaqo.Madaxweyne Xasan ayaa soo daliishaday in Dastuurka qabyada ah uu tilmaamayo qaabka wax looga beddelayo iyo sida lagu dhamaystirayo isaga oo yiri " Dastuurka samayntiisa, dhaqan gelintiisa iyo dib u eegistiisa intaba Dastuurka ayay ku caddahay, Baarlamaanka Federaalka ayaa iska leh, isaga ayay waajib ku tahay oo loo igmaday in ay dib eegaan"
Xasan Sheekh ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay in wax ka beddelka lagala tashado qeybaha bulshada sida ururada rayidka, warbaahinta iyo qeybaha kale ee dadka metela balse taas micnaheedu aysan ahayn in qof kasta oo Soomaali ah la weydiin doono waxa ay la tahy.
"Iskama joogi karno meesha.. Ma taagnaa karno looma dhamo weligeed, waa inaan ka baxnaa" ayuu yiri Maxadweyen Xasan.
Madaxweyne Xasan ayaa caddeeyay inuusan qaadan doonin go'aano deg-deg ah oo dhibaato u keeni kara geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadan Madaxdooda iyo Hay'adaha Dowladda ee ku shaqada leh dhamastirka Dastuurka





