Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka madaxda dalalka Afrika iyo Bangiga Adduunka ee ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya kusoo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Afrika ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolosha dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.
“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay'adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa". ayuu yiri, Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay shirka
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.





