Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu amba baxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si uu uga qeyb galo shirka 6-aad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay.
Shir-madaxeedkaan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii loola dagaaalami lahaa isbeddelka cimilada, dhibaatooyinka ay nooluhu la kulaan iyo wasakheynta hawada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu iftiimiyo caqabadaha dhanka deegaanka ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka dhashay isbeddelka cimilada, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa iyada oo la iskaashanayo.
Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa nabadda gobolka, xasilloonida, iyo horumarka , isaga oo muujin doona saameynta xun ee ficillada hal dhinac ah ay ku leeyihiin ka mira dhalinta yoolalka la hiigsanayo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo laba geesood ah la yeesho madaxda iyo wufuudda kala duwan ee shirka ka qeyb geleysa isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada deegaanka.
Soomaaliya iyo la dagaalanka isbeddelka cimilada
Dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshayaal cusub oo looga hortegayo isbeddelka cimilada, waxaana markii ugu horeysay lagu soo daray xukuumadda Soomaaliya Wasaarad qaabilsan ilaalinta deegaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay ololaha Qaran ee doog looga dhigayo Soomaaliya, iyada oo la la beerayo 10 Malyan oo geed si loo dhireeyo dalka loogana hor tago isbeddelka cimilada.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa dhankeeda la timid istiraatiijiyadda lagu badbaadinayo deegaanka iyo duunyada iyada oo ka duuleysa barnaamijka Soomaliyada cagaaraan si looga hor tago aafooyina isbedelka cimilada





