Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqasho qaadatay laba maalin uu ku joogay dalka Ereteriya, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Eretria.
Wasiirka Warfaafinta Ereteriya, Yemane G. Meskel ayaa ku tilmaamay booqashada Xasan Sheekh in ay kusoo dhamaatay guul, isaga oo xusay in Madaxweynayaalka Soomaaliya iyo Ereteriya ay kawada hadleen arrima badan oo quseeya labada dal iyo gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan ayaa shalay kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka, isaga oo ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxweyanaha ayaa faray ciidamadaan in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen ciidamada qaranka ee kula jira dagaalka kooxada Al-shabaab.



