Luzern (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsanaa arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay'adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).
Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku sallaysan aragtidiisa "Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah", waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibadda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.








