Muqdisho (Dawan)- Madaxweymaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan dalka laga saaro Gaaska laga keeno dibadda, si looga baxo dhibaatada dhanka Gaaska sidoo kalena uu kor u kaco dhaqaalaha dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in arrintaas ay u baahantahay dhiiranaan, farsamo, rabitaan iyo go'aan ay qaataan dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo.” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh, ka sheegay munaasabadda xariga looga jaray xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir.
Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsatada inay maalgashadaan guud ahaan gobollada dalka, si fursadaha horumarku u wada gaaraan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
" Ganacsatada dalka dibadiisa jirta, waxaan aad iyo aad ugu dhiirigelinaya in ay dalka kusoo laabtaan. Dalku magaalada Muqdisho bis ma ahan. Magaalooyin kale oo dalka ku yaal oo nabad ah oo dad leh, oo adeeg looga baahanyahay ayaa jira, waxaan leehaay hantidiina dalkaan ayaa iska leh, dib ugu soo celiya" ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.







