Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan magaalooyinka Xarardheere ee gobolka Mudug iyo Ceel-dheer ee gobolka Galguduud kuwaas oo hoos taga maamul goboleedka Galmudug.
Ujeedka booqashada Madaxweyne Xasan ayaa ah u kuur gelidda xaaladda magaalooyinkaan ay ciidamada dowladdu hore ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka ay dowladdu ku dooneyso in ay ku ciribtirto Al-Shabaab.
Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa ayaa lagu wadaa in ay wafdiga madaxweynaha kusoo dhaweeyaan magaalooyinka Xarardheere iyo Ceel-dheer.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa bishii la soo dhaafay dib ula wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan goboladaas kadib markii ay ciidmada dowladdu isaga baxeen goobihii ay ku sugnaayeen dagaal la'aan.



