Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa maanta oo Talaadado ah booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu wadaxaajood kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, si loo ballaariyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa booqashada Ruto ku tilmaamay mid ka tarjumaysa “xiriirka qotada dheer, taariikhiga ah iyo walaaltinimada” ka dhaxeysa Itoobiya iyo Kenya. Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, Abiy wuxuu sheegay in wadahadalladu diiradda saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo adkeynta go’naaka wadajirka ah ee lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in booqashadu muujisay mowqifka mideysan ee lagu baadi goobayo xaqiijinta xal u helidda dhibaatooyinka ka jira gobolka ee xiisadaha siyaasadeed iyo caqabadaha bini’aadantinimo ee soo noqnoqday.





