ZAMZAM Mohamed
Nairobi (Dawan) – Nairobi ayaa wajahaysa xaalad isku dhafan iyadoo wadooyin badan loo xirayo dhacdada Nairobi City Marathon oo dhici doonta Axadda, 6-da Luulyo, iyadoo magaalada ay sidoo kale wajahaysay dibadbaxyo dhallinyaro isbuucyadii la soo dhaafay.
Nairobi City Marathon, oo ah mid ka mid ah dhacdooyinka isboorti ee ugu waa weyn dalka Kenya, ayaa waddooyinka magaalada ku soo bandhigi doonta kumanaan orodyahanno, taasoo keeni doonta xirnaansho wadooyin muhiim ah si loo hubiyo amaanka ka qaybgalayaasha iyo in dhacdadu si habsami leh u socoto.
Waddooyinka muhiimka ah ee la xirayo waxaa ka mid ah Waiyaki Way, James Gichuru Road, Ngong Road, Kenyatta Avenue, iyo University Way, kuwaas oo xirnaan doona Sabtida fiidkii ilaa Axadda galabtii.
Wadooyinkaan ayaa xirnaan doona inta u dhaxeysa Sabtiga 10:00 habeenimo ilaa 3:00 galabnimo ee maalinta Axadda.



