Moscow (Dawan)- Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Ruushka ayaa muujinaysa guul weyn oo madaxweyne Vladimir Putin uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee Ruushka taas oo la soo gabagabeeyay Axadii.
Natiijooyinka uu ku dhawaaqay guddiga dhexe ee doorashada ayaa tilmaameysa in Putin (71 jir) uu ku guuleystay ilaa 88% codadka codbixiyayaasha, taas oo u damaanad qaadaysa in uu markii shanaad xilka madaxtinimo qabto lixda sano ee socota.
Tirada codadka ee uu Putin helay, waa tii ugu sarreysay ee uu helo hoggaamiya Ruush ah tan iyo burburkii Midowgii Sofiyeeti, waxa uuna noqon doona hogaamiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara dalkaas muddo 200 oo sano ah.
Sida laga soo xigtay guddiga doorashada, heerka ka qaybgalka ayaa gaaray 67.5% halka heerka codaynta elektaroonigga ah ay ku dhawaatay 90%.
114 milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa xaq u lahaa in ay ka qeyb qaataan doorashooyinkan, kuwaas oo sidoo kale ka dhacay 4 gobol oo ka tirsan Ukraine balse ay gacanta ku hayaan ciidamada Ruushka.





