Muqdisho (Dawan)- Nidaamka doorasho ee ku habboon Soomaaliya : W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Ookiyaale).
Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowga ah sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay. Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka.
Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan, laakin doorashadoodu waxey u ekeyd xilkaqaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis ah, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musaafurin.
Tan ilaa iyo Giriiggii waxaa isbaddello waa weyn ku dhacay hababkii coddeynta, xitaa wxaa isbaddeley qalabkii lugu codeynayey, wuxuu ka yimi cad dhoobo eh, wuxuu soomaray banooni yar oo midab leh, maanta wuxuu yahay warqad, halka doorashooyinka qaarna lugu codeeyo fariimo danabeysan [1].
Dunida waxaa maanta ka jira nidaamyo codadbixin oo kala geddisan oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo murugsan, oo dalalkuna ku kala xulasho duwanyihiin, se aalaaba dalalku waxey doorbidaan nidaamyada kafaalaqaadi kara caddaaladda ay ku taammayaan, inkastoo jiraan dalal doorbida nidaamyada tashiila dhaqaalaha iyo kuwa qabashadoodu fududdahay.
Bilowga hore waxaan qormadaan ku lafaguri doonaa nidaamyada codbixineed ee dunida ka jira kuwooda ugu doorka roon, ka dibna waxaan ka faaloon doonaa hanaanka doorasho ee ku habboon dalkeena, iyadoo afeef ka dhiganeyna inuusan jirin nidaam boqolle ah oo ka fayow ceeb iyo cillad oo dhan.
Nidaamka 1aad: Horreeyaa Guuleysta (First Past the Post/ Plurality):
Nidaamkani waxaa lugu tiriyaa nidaamka codbixin ee ugu fudud ee la adeegsado, waxaana lugu kala adkaadaa kaliya cod dheerida, muhimna maaha musharraxa inuu helo aqlabiyadda codadka bulshada (50%+1). Habkani sida magaciisa ka muuqato waa sida tartamada ciyaaraha, guushu waxay wada raacdaa [koobka] musharraxa kaalinta koobaad gala, halka kaalmaha kale ay wax la’aan baxaan.
Daldaloolada uu nidaamkani leeyahay waxaa ka mid eh, inuu miraha guusha wada siiyo cidda ugu codka badan, isagoo ka soo qaadey tartamayaasha kale codadkoodu eber, oo waxba ka siineyn guusha. Waxaaba dhacda xisbiga iyo musharraxa guuleysta in uusan haysan aqlabiyad codadka, sida ka dhacdo Ingiriiska, laga soo bilaabo 1945 ilaa doorashadii 2024 xisbiga ku guuleysta doorashooyinka barlamaanka Ingiriiska marnaba ma aheyn xisbiga haystey aqlabiyadda codadka shacabka oo dhan [2].
Waxaa kale uu nidaamkani dulmiyaa murashaxiinta yaryarka; wuxuu codbixiyaashu ku dhiirigaliyaa inay doortaan musharrax soobixistiisu sarreyso oo kaliya, maadaama hal qof guuleysanaayo codbixiyaashu waxey ujanjeersamaan musharrixiinta caanka ah oo ay u badinayaan inay guuleystaan, halkay u arkaan codeynta musharrixiinta yaryarka arrin khasaaro ah.
Nidaamkani wuxuu ka hanaqaadey Ingiriiska iyo dalalkii ku hoosjirey boqortooyadiisa sida Mareykanka, Kanada, Hindiya, Neyjeeriya, Kenya iyo dalal kale; tiro ilaa 44 dal ayaa maanta adeegsata nidaamkaan.
Nidaamak 2aad: Codeynta Dooqeysan (Preferential Voting/ Instant-Run off Voting):
Nidaamkani waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta kolba sidey u doorbidayaan, waxaa lagu hor qoraa musharraxa dooq koobaad ah lanbar 1, mushurrax dooqa labaad ahna waxaa lugu hor qoraa lanbar 2, ilaa laga gaaraayo musharraxa ugu danbeeyo. Waxaana guuleyta musharraxa hela aqlabiyadda dooqa koobaad ee bulshada (50%+1).
Haddii musharrax heli waayo aqlabiyadda codka koobaad ee bulshada, waxaa hoos lagaa soo furfuraa musharrixiinta heley codadka ugu yar, waxaana codadkooda loo qeybiyaa musharrixiinta lagu qorey kaalinta labaad, kolba sida loo qeybinayo codadkaas, waxaa soo baxa musharrax dhaafa 50%+1; guushuna sidaas bey ku raacdaa.
Nidaamkani wuxuu ku habboonyahay bulshooyinka heerkooda waxbarashadu sarreyso, waxaana aalaaba loo adeegsadaa doorashooyinka ururada ardayda iyo doorashooyinka hay’aduhu qabsadaan, waana dhif in loo adeegsado doorashooyinka dadweynaha. Ceebaha uu nidaamkani leeyahay ayaa ah suuragalnimada inuu guuleysto musharrax aan heysan codadka ugu badan ee kaalinta koobaad, taasoo ah caddaalad-darro dadban.
Nidaamka 3aad: Codeynta Wareegyada Badan (Voting Multiple Rounds):
Nidaamkaan wuxuu dhinac uga eg yahay nidaamkii Horreeya Guuleysta, se wuxuu leeyahay wareegyo badan, aalaaba wuxuu ka koobanyahay laba wareeg; waxaa la qabtaa wareega koobaad ee codeynta oo hadduu mursharrax heli waayo aqlabiyadd codadka dadweynaha (50%+1) waxaa loo gudbaa wareega labaad, waxaan wareeegaasi u soo gudba musharrixiinta ugu sareeyay wareegii koobaad, codeynta labaad ayaa la qabtaa, waxaana guuleysta musharraxa hela aqlabiyadda codadka dadweynaha.
Se haddii dhici weydo waxaa loo gudbaa wareeg ugu danbeeya, waxaan ku tartama labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegii labaad, waxaana guuleysta kooda cod bata (dabcan midkood ayaa heli doona aqlabiyadda codadka).
Nidaamkani waxaa adeegsada dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Iiraan. Hase ahaatee kama marno cillad, wuxuu suuragaliyaa iney guuleystaan musharraxiin wareega koobaad ku jirin kaalinta koobaad, taasoo dad badani u arkaan iney tahay caddaalad darro.
Nidaamka 4aad: Nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran (Proportional Representation):
Nidaamkani waa kan ugu adeegsiga badan dunida, aalaaba waxaa loo adeegsadaa doorashooyinka kuraasta xildhibaanada, waxaana adeegsada in kabadan 100 dal gaar ahaan u adeegsada doorashooyinka barlamaanada, waxaa ugu cadcad waddamadaas: Isbeyn, Jarmal, Turki, Talyaani, Noorway, Baraasiil, Arjentiin, Biiru, Indunuusiya, Koonfur Afrika iyo dalal kale oo badan [3].
Nidaamkani wuxuu uga geddsinyahay nidaamyada kale wuxuu hoos u dhigaa codadka khasaari kara, oo cod walba wuxuu uyeelaa matalaad; xisbi kasta wuxuu siiyaa kuraas u dhiganta boqolleyda uu ka heley codadka. Tusaale xisbigii hela 10% codadka dadweynaha wuxuu badalkeeda helaa 10% kuraasta barlamaanka.
Nidaamkaan wuxuu gabi ahaanba lid ku yahay nidaamka Horreeya Guuleysta ee ku dhisnaay ninkii raayaa reerka u haraaya, ee wuxuu gabbaad siiyaa xisbiyada yaryarka. Hase ahaatee kama dhigna inuu ceeb-ka-saliin yahay, wuxuu nidaamkani abuuraa barlamaano iyo xukuumado xisbiyo kala duwan ku bahoobaan (coaliation government) taasoo marar badan horseeda jahwareer siyaasadeed. Waxaana ka farcama noocyo badan, waxaana ugu caansan:
Nidaamkani wuxuu u kala baxaa Liiska Furan iyo Liiska Xiran; waxeyna ku kala geddisanyihiin marna codbixiyaashu baa u codeeya musharrixiin la yaqaano oo xisbi ka socda waana nidaamka Liiska Furan, marna bulshadu khiyaar u ma leh iney doortaan qof ee baddelka waxey u codeeyaan xisibiyo u gubdistey liisaska musharrixiinta guddiga doorashooyinka, waana nidaamka Liiska Xiran.
Labada nidaamba waxey xisibiyadu helaan kuraas u dhiganta boqolleyda codadka ay heleen, tusaale hadday deegaan-doorashada Beledweyn taalo 10 kursi ee u tartamaan xisbiyada seddex xisbi oo kala eh Barwaaqo, Wadajir iyo Kaah; hadduu Barwaaqo helo 30% codadka, Wadajir 50% halka Kaah 20%. Haddaba waxey u kala qaadanayaan qaab u dhiganta saamiga codadka ay heleen, wadajir wuxuu qaadan doonaa 5 kursi; mar waa la yaqaanaa musharrixiinta guuleystey oo haddii nidaamku yahay Liiska Furan, marna lama yaqaano oo guddiga doorashada ayaa u magacaabi doono 5 qof ee ugu sarreyso qoraal ahaan liiska uu xisibga Wadajir soo gudbiyey, waana nidaamka Liiska Xiran.
Isla tusaalahaan haddaan ka dhigno kuraasta 11 kursi, waxaa nagu adkaanaya in si caadi ugu qeybinno kuraasta, waxaana soo baxaya xisaab jajab eh. Haddaba waxaa xusid mudan, qeybinta kuraasta si ay u galin xisaab jajab eh waxaa la adeegsadaa qaacidooyin gaar ah oo marnaba suuragalineyn iney kuraasto noqdaan jajab, waxaana ugu caansan qaacidooyinkaas: D’hondt method iyo The Sainte-Laguë method [4].
Nidaamkani wuxuu dhinac uga egyahay nidaamka Codeynta Dooqeysan, oo waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta, hase ahaatee wuxuu uga duwanyahay musharrixiintu waxey leeyihiin saqaf la rabo iney gaaraan (target point); waxaana guuleysta musharrixiinta soogaara saqafkaas, hase ahaatee markey soogaaraan saqafka wixii cod ee dheeri ay helaan waxaa loo xawilaa musharrixiinta lugu qorey kaalinta labaad.
Tusaale, hadduu yahay saqafka doorashada degmada Boosaaso 20,000 cod, kuraasta taalana tahey 13 kursi, waxaa soobixi kara musharraxii gaara 20,000, codadka dheeriga ahna (ka badan 20,000) waxaa loo xawili doonaa musharrixiinta lugu qorey booska labaad, sidaasna waxaa ku soo bixi kara musharraxiin bilowga hore saqafka gaarin laakin codbixiyaal badan dookha labaad u ahaa.






